Hay’ada HARO ee maxaliga intii dhowr cisho ah waxey kaalmo dhara ka qeybineysay deegaanada loo qaxey ee Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana deeqdan ka faa’iideysatay Boqolaal Qoys oo ka mida dadka halkaa ku barakacey.
Bixinta deeqdan ayaa socotey muddo Isbuuca, waxa ayna Hay’ada HARO ugu talo gashey iney ka faa’iideystaan dadka rayidka ee ku barakacey Deegaanka Ceelasha Biyaha, dhibaatooyinka kale duwana la soo gudboonaadeen.
Deeqda dharka ah ayaa ka koobneyd Konteenar Dhara, waxa uuna isugu jirey dharka dadka waaweyn, kuwa caruurta iyo Hu, waxaana ka faa’iideystay dadka halkaa u barakacey kuwooda ugu taagda daran.
Deeqdan ayaa ka timid oo HARO ka soo aruurisey Soomaalida ku dhaqan qeybo ka mida Qaarada America.
Maaha markii ugu horeysay oo HARO deeq noocana ugu deeqdo dadka dhibaateysan ee ku dhaqan Gobolada kale gedisan ee Dalka.
Deeqaha HARO ay bixiso ayaa isugu jira dhar, raashin Xoolo nool iyo kaalmooyin kale.