08/10/09 Hay’ada Humanitarian African Relief Organization (Haro) ee Maxaliga ah waxay deeq raashin ah ka qeybisey Kaam ku yaala Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo ay ku jiraan dad Qaxooti ah oo ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyin nolaleed.( Sawiro )
Hay’ado Haro ayaa dadka Qaxootiga ah gaarsiiyay raashin ku fadhiya qiimo ahaan $1150, kaas oo isugu jirey Galey & Saliid.
Hay’adu markii hore waxey ugu talo gashey Deeqda raashinka inay ka faa’iideystaan qoysas kor u dhaafaya 80 qoys, balse markii danbe ee xarunta Kaamka gaartey ayey qorsheheedii hore wax ka badeshey mashruucana balaarisey.
Dadkii kale duwanaa ee ka faa’iideystan Deeqda Hay’ada Haro gaarsiiyay oo u badnaa maato ah ayaa aad ugu farxey deeqdan.
Maaha markii ugu horeysay oo Hay’ada Haro deeq noocan oo kale ah gaarsiiso qaxootiyada ku dacdareysay qaar ka mida Gobolada Dalka, waxa ayna horey sidan oo kale deeq raashin & dharba isugu jirta u gaarsiiyay dadka ku dhaqan Ceelasha Biyaha ee Gobolka Sh/Hoose & Gobolada Dhexe.
Waxa ayna deeqahan oo kale qeyb ka noqonayaan kuwo sidan oo kale bilihii ugu danbeeyay la soo garsiinayey Qaxootiyada ku kala firdhisan qeybo kale duwan oo ka mida Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada ku xeeraan Magaalada Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda xiliyadii ugu danbeeyay kuwo isku tashanaya, marka loo eego sida dadka wax heystaa gacan wax tar ugu fidinayaan kuwooda kale ee aan waxba heysan.
fidinayaan kuwooda kale ee aan waxba heysan.