Waxaa weli si xawli leh uga socda Muqdisho gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhintay Koonfurta dalka Soomaaliya. Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo ka mid ah hay’adaha ka howlgala Muqdisho ayaa waxay maanta gargaar ballaaran gaarsiisay qoysas dhibaato kasoo gaartay abaaraha, waxayna qoysaskaas ku jireen Kaam ku yaalla siligga Mareykanka oo lagu magacaabo Beedle, waxay Qoysaska la gaarsiiyay gargaarka ay gaarayeen ilaa Seddex Boqol oo Qoys oo ka muuqatay Diifta iyo Darxmadii kasoo gaartay Abaaraha.
Qoysaskaa ayaa la siiyay raashin isagu jiray: bariis, bur, sonkor, saliid, timir iyo caano boore gasacadeysan, waxayn madaxda hay’adda ay sheegeen in qoys walba uu ku filan raashinka la siiyay muddo muddo bil, waxaana qoyska kasta gacanta ka saaray raashinka mas’uuliyiinta HARO oo uu horkacayey guddoomiyaha HARO Cali Xaaji Cabdi Nuur.
Intii ay socotay qaybintaas gargaarka ayaa gudgoomiyaha mar uu u waramayay bahda saxaafadda wuxuu sheegey in gargaar la mid ah midka ay Muqdisho ka qaybinyeen maanta ay haatan ka socdaan magaalayinka Baydhabo iyo Diinsoor isagoo sheegay in qoysaska ku sugan magaalooyinkaa la gaarsiiyay raashin ay quutaan muddo bil ah, sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanka ceelasha biyaha ay hay’adda ka qaybisay gargaar kala duwan.
Guddoomiyaha Cali Xaaji ayaa sheegay inay hore u soo qaybiyeen raashin gargaar oo kala duwan oo uu sheegay inay siiyeen qoysas ay saameeysay abaaraha, waxaa kaloo uu sheegey inay sii wadi doonaan gargaarka ay gaarsiiinayaan dadkaas maadaama ay hay’addu u taagan tahay sidii dadka Soomaaliyeed uga bixi lahaayeen abaaraha, colaadaha iyo cudurrada.
Qoysaskii la siiyay gargaarkii maanta ee ku sugan kaamka ku yaalla Siligii Mareykanka ee Baadle ayaa ugu horreyn u mahadceliyey hay’adda HARO oo ay sheegeen in gargaarkaan uu ugu soo beegtay xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen maadaama lagu guda jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan, waxayna ugu baaqeen HARO inay halkaa kasii waddo garagaarka ay gaarsiinayso dadka ay saameysay abaarta.
Hay’adda HARO waa hayad samofal oo ka howlgasha guud ahaan Soomaaliya waana hay’ad caawinta markasta dadka dhibaateysan waxayna deeqo gargaar oo horay u gaarsiisay dhamaan gobollada Soomaaliyeed waxayna mas’uuliyiinta hay’adda u mahad-celiyeen intii ku gacansiisay qaybinta gargaarkaas kala duwanaa, iyagoo sheegay inay halkaa kasii wadi doonaan caawinta shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.