Hay’ada Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo inta badan ku howlan Taageeridda Dadka Tabaaleysan, ayaa Waxay soo Gaba-gabeysay barnaamij hilbo-qaybin ah ee ciidul-Adxa ee Sannadka 1436 H/2015 M, waxayna Barnaamijkaas ka fulisay Magaalada Baydhabo. Intii ay socotay barnaamijkan udxiyada ee Baydhabo ayaa waxaa kor kala socday sida ay u socoto howsha Mas’uuliyiin ka tirsan ha’yadda HARO qaybteeda Soomaaliya, kuwaasoo u kuur-galayay Qaabka loo Qaybinayo hilbaha Ciidda.
Dadka masaakiinta ah ee loo Qaybiyay udxiyadaas oo ahaa dadweyne badan; Waxaana loo qaybiyay xoolo u badnaa geel, lo’ iyo Ari; iyadoo Mas’uuliyiinta Hay’adda ee Qaybinayay deeqdaas ay u sheegeen dadka loogu talo-galay inay deeqaan soo dhibeen walaalahooda ku nool Waqooyiga Ameerika si Walaalahood aan wax haysan ugu Ciidda Carrafo Xoolahaasi hilibkooda.
Shacabkii loo Qaybinayay ayaa si weyn uga Mahad-celiyay Dadkii soo dhiibay Kaalmadan udxiyada ah ee walaalaha Muslimiinta ee ku nool Waqooyiga Ameerika; iyagoo ALLE uga Baryay inuu uhu bedelo deeqda ay u soo dhiibeen wax ka khayr badan, waxay Hay’adda ka codsadeen inay halkaas kasii wadaan taakuleynta Masaakiinta ku nool Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Hay’adda HARO ayaa mudooyinkan dalka kawaday gar-gaar ban’aadanimo oo ay Gaarsiinayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay Colaadaha iyo Abaaruhu Ragaadiyeen Waxayna Hay’adda horay kaalmooyin uga qaybisay; guud ahaan Soomaaliya kuwaasoo ay gaarsiisay dadka dhibaateysan.
Source: Hiiraan.com