HARO USA, has distributed food aid to 100 families in Somalia’s Nugaal region, who have been affected by the drought this year. Officials said that food is part of the Emergency Committee for Drought, the drought has affected thousands of families in the area.
Also officials from the northern region of Puntland (Somalia), also welcomed the move to grant the food they distribute and ask HARO USA for any help they can provide to these families. Food aid has reached far parts of the Nugal region.
[Somali Language]
-Hay’adda HARO oo ka mid ah kuwa ka howlgala Puntland, ayaa maanta gargaar Raashin ah u qaybisay qoysas gaaraya 100, kuwaasoo ay saameyn ku yeesheen abaarihii dhacay sannadkan. Mas’uuliyiinta Hay’adda HARO, ayaa sheegay in raashinkan uu qayb ka yahay Gurmadkii Gudiga Abaaraha ay sameeyeen, waxaana haddallo badalay qaybinta raashinka, iyadoo ay ka faa’iiday san doonana kumannaan qoys oo ay abaaruhu ku yeesheen saameyn weyn.
Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ka socday Maamulka Gobalka Nugaal, ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan deeqdan raashinka ah lagu qaybi yey, iyagoo sheegay in looga baahan yahay hay’adaha oo dhan inay muujiyaan doorkooda. Qoysaska maanta la gaarsiiyay Deeqdan Raashinka ah oo ku nool Deegaanka Yucubley, oo ka tirsan gobalka Nugaal, ayaa si weyn uga mahad-celiyay gargaarka raashinka ah ee lasoo gaarsiiyay.
Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inay shacabkii Abaaruhu saametsay yeesheen ay u baahan yihiin raashin qaybin iyo in la sameeyo dhiig-joojin nololeed, maadaama ay gabi ahaan xoolihii ay dhaqanayeen ay ka laysay abaarta.
Ugu dambeyn, Abaarihii dhawaan ku dhuftay qaybo ka mid Somalia, ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay shacabka, iyadoona dad badan oo xoolo-dhaqto ahaa ay magaalada kusoo yaaceen, ka dib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen.