Hay’adda HARO oo gaadhsiisay gurmad biyo-dhaamis ah Degmada Dacarta
Hay’adda HARO oo kamida Ururrada samo-falka ka shaqeeya, ayaa gurmad biyo-dhaamis ah ka fulisay Degmada Dacarta oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, halkaasoo kamida dhulka biyo-yaraantu soo food-saartay bilihii la soo dhaafay.
Kaalmadan oo ah tii ugu horaysay ay Hay’addaha gargaarku ka bilaabaan degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex, tan iyo markii ay gabaabsi noqdeen ilaha biyo meelo badan oo kamida Waddanka, ayaa waxay ka koobnayd 10 Booyadood biyo ah oo loogu talogalay inay haraad-tir u noqdaan dadka ku Dhaqan nawaaxiga Degmadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Dacarta Axmed Aw Xuseen Furre iyo qaar kamida Odayaasha deegaanka Degmada oo deeqdaasi la wareegay, ayaa u mahad-celiyey Hay’adda HARO ee kaalmada soo gaadhsiisay.
Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar (Ameerika) oo kamida masuuliyiinta Hay’adda HARO xafiiskeeda Somaliland, ayaa sheegay in markii ay qiimeeyeen baahida biyo yaraaneed ee degmadaasi ka jirta ay go’aansadeen inay gurmadkan deg deg u soo gaadhsiiyaan bulshada, isagoo xusay in aanay noqon doonin tii ugu horaysay taakuladani, alle uga baryey in uu haraadka ka soo furto umadda halkaasi ku Dhaqan.
Halkan hoose ka daawo Muuqaal:
Deegaamo badan oo kamida gobollada Somaliland ayaa waxa laga soo sheegayaa inay biyo yaraan darani ka jirtay bilihii la soo dhaafay, iyadoo meelaha qaar tan iyo bilowgii sanadkaba ay xaaladu sii adkaanaysay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in 120 Kun oo qoys dad ka badan oo ah reer guuraa xaalad biyo la’aaneed oo qalafsani hayso, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah lala gaadho.