Hay’adda Humanitarian African Relief ee HARO oo ka mid ah Hayadaha Samafalka ee ka Howl gala dalka Soomaaliya ayaa gargaar Raashin ah ka qaybisey Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool waxaana Raashinkaas la siiyey Qoysas ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Bakool iyadoo raashinkaas ka Faaiideystey Qoysas gaaraya 400 oo Qoys.
Mas’uuliyiinta Hay’adda HARO oo Goobta raashinka lagu qaybinayey ka hadley ayaa sheegay in raashinkan uu qayb ka yahay Gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaarahu saameeyeen ee Gobolada Bay Bakool iyo Gedo.
Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ka socday Maamulka Koonfur Galbeed oo iyana ka hadley Goobta ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan deeqdan raashinka ah lagu qaybiyey dadka ay Abaaruhiu saameeyeen sidoo kale Masuuliyiintaas waxay u soo jeediyeen Hayadaha kale in ay ku dayadaan hayadda HARO.
Dhinaca kalE Hayadda HARO ayaa Biyo dhaamin ka sameysey Gobolka Bay gaar ahaan degmada Buur Hakaba iyo Tuulooyin hoos yimaada Degmada Baydhaba, sida Idlow, Caasho Gaabo, Tumaale, Haare, Abees Garwaale, Laan Buule, Makubo ADC, Daanyeereey iyo kuwa kale waxaaan Biya Dhaamintaa Kormeerayey Masuuliyiin ka tirsan Hayada HARO iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Dadkii loo qaybiyey Raashinkaas iyo kuwii Biya Dhaaminta ka Faaideysatey ayaa u mahadceliyey Hayada HARO , sidoo kale waxay u Mahadcliyeen Jaaliyada Seattle ee Washington oo uu Hormuud ka ahaa Masjidka Abuubakar Sadiiq Islamic Center ee Seattle iyo Jaaliyada Reer Santiago ee California Masjidka Al Ansaar iyo Al Huda slamic Center.
Ugu dambeyn, Abaarihii dhawaan ku dhuftay qaybo ka mid Soomaaliya, ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay Dadka iyo Duunyada iyadoona dad badan oo xoolo-dhaqato ahaa ay Magaalada ku soo yaaceen, ka dib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen.
Mustaf Hussein
mustafa@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia