HARO oo ah hay,ada ka shaqaysa arimaha samafalka kana hawlgasha beriga Africa ayaa waxa ay ceelbiyood ka hirgelisay degmada Eyl ee gobolka Nugaal, dhismaha ceelkeen ayaa socday mudo dheer ugu danbayna waxaalagu guuleystay in la hirgeliyo iyadoo bulshada deegaankaas ayaa si toosa uga faaidaysan doonaan wixii manta ka danbeeya.
Munaasabadii furitaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka degmada Eyl, xubnaha golaha deegaanka degmada Eyl , Madaxda Hay’ada HARO iyo qaar ka mida shacabka deegaanka, Sheekh Maxamed Xamari oo ugu horayn goobta ka hadlay waxa uu tilmaamey in farxad ay u tahay in ay arkaan natiijada wanaagsan ee ka dhalatay shaqadii ay mudo hayeen, sidoo kalena waxa uu bulshada deegaanka ugu baaqayin ay ilaashadaan ceelkaan si wanaagsana uga faaidaystaan.
Gudoomiyaha Degmada Eyl Mudane Muuse Cismaan Yuusuf waxa uu uga mahadceliyay hay’ada HARO garab istaaga ay u muujiyeen shacabka degmada Eyl, waxa uu xusay in ay jiraan baahiyaho intaas ka badan oo mudan in wax lagala qabto, intaas iyo in ka badana ay ka sugayaan HARO.
HARO oo fadhigeedu uu yahay dalaka maraykanka ayaa horay hawlo samafal ah uga fulisay gudaha soomaaliya, kuwaas oo ay ugu danbeeyeen ciidsiinta agoonta Qardho iyo raashinkii fidriga ahaa ee ay u qaybiyeen dadka danyarta ah.