Hey’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (Haro) ayaa macaawino dhar ah ka qeybiyay Xerada Qaxootiga ee Kaam Riig ee Magaalada Garoowe oo ay dagan yihiin ku dhawaad(Sawiro ) 160 qoys oo tabaalaysan , waxaana deeqda dadkaaa tabaalaysan gaadhsiiyay gudi Culimo ah oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Yaasiin C/laahi Cali waxayna Culimadu ahaayeen kana wakiil ah Hey’adda Haro.
Deeqda dharka ah ayaa la wada gaadhsiiyay dadka ku dhaqan Kaamka waxayna dadkii Kaamku u mahad celiyeen Hey’adda Haro ee soo gaadhsiisay deeqdaas dharka ah .
Deeqda lagudoonsiiyay dadkaas ayay u gaadhay si isku mid ah ,waxayna isugu jirtay dharka Dumarka iyo Raggu xidhaan iyo sidoo kale kuwa Caruurta waxaana sidoo kale wehliyay Kabo iyo agabka ay ciyaalku ku cayaaraan.
Sheekh Yaasiin C/laahi Cali ayaa Somalimirror u sheegay in ay ku talo jiraan in Kaamamka kale ee magaalada ay gaadhsiin doonaan deeq la mid ah mida ay gaadhsiiyeen Kaam Riig .
Waxa uu Sheekh Yaasiin intaa ku daray in si siman ay u gaadhsiin doonaan Kaamamka ay dagan yihiin dadka tabaalaysan iyagoo ka wakiil ah Hey’addaHaro.
Hay’adda Haro ayaa ah Hey’adda kheyri ah saldhigeeduna uu yahay Maraykanka gaar ahaan Gobolka Santiago, waxayna inta badan Hey’addani kaalmaysaa dadka dhibaataysan iyadoo deeqdeeda u badisa dhanka Caafimaadka Cunadda iyo dharka la xidho .
Muuqalka guud ee Kaamka Riig
Mid ka mid ah Hooyooyinka Kaamka ku dhaqan oo la hadlaysa Warbaahinta