Garoowe:-Ururka samafalka oo magaciisa loo soo gaabiyo Haro ayaa maanta mucaawimo isugu jirtay dhar iyo kabo u qaybiyey dadka barakacayasha ah ee ku nool Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland gaar ahaan xiryaha barkacayaasha ee kala ah Xerada Riiga, Xeraa bush eelay.
Deeqdaan ayaa waxaa soo gaarsiiyey dadka barakacayaasha ah urur saldhigiisu yahay Maraykanka ururkaas oo magaciisa la yiraahdo[Humanitarian African Relief Organization] loona sooo gaabiyo (HARO).
Shiikh Yaasin C/laahi Cali oo ka mida culumada Magaalada Garoowe ayaa Waxaa uu Shabakadda wararka ee Halgan.net uga warbixiyey sida ay deeqdaani u soo gaartay waxaana uu sheegay in deeqdaani ay ka timid wadanka America gaar ahan Ururka lagu magacaabo Humanitarian Africa Relief Organization (HARO).
Sidoo kale waxaa uu sheegay Sheikh Yaasiin in ay deeqdaani isugu jirto dhar iyo kabo kuwaas oo gaaraya ku dhawaan 100 bundadood oo dhar iyo kabo ah waxana uu intaas ku daray in ay deeqdaani ka soo degtay Dekadda Bosaaso.
Shiikh Yaasiin C/llaahi ayaa waxaa uu mahad gaar ah u celiyey dadkii isku xil saaray inay dadka walaalahood ah ee masaakiinta ah ay soo gaarsiiyaan deeqdaan wax ku oolka ah , Dadka barakacayaasha ah ee ku nool hadda magaalada Garoowe ayaa ah kuwo ka soo cararay dagaalada iyo colaada halakaysay dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta,dhamaan waxgaradka iyo culimada Soomaaliyeed ee ku nool Puntlland gaar ahaan Garoowe ayaa mahad balaaran u soo jeedinaysa Ururka Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) oo isagu deeqdaan soo gaarsiiyey dadkaan dhibaataysan.
Dadka barakacayaasha ah ee maanta la soo gaarsiiyey deeqdaan ayaa uga mahad celiyey ururka Haro u so gudbisay deeqdaan waxaana ay dareenkooda ka muujiyeen inay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan ee loogu qaybiyey.
Dhanka kale dadka barakacayaasha ah ee ku nool Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ay leeyihiin gudi ka kooban 12 xubnood oo u qaybiya wixii loogu deeqo isla markaana ah gudi joogta ah,Gudoomiyaha Xerada Riiga oo lagu magacaabo Cali Cabdi Maxamed ee maanta deeqdaan loo qaybiyey ayaa waxaa uu ka waramay dareenkiisa kaga aadan sida uu u arko deeqaan maanta la soo gaarsiiyey waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqda la soo gaarsiiyey.
Hadaba ilaa iyo intii ay burburtay dowladii dhexe ee Somaliya ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa Gobollada Puntland ku soo badanayey dad ka soo barakacaya koonfurta Soomaliya ee ay ka socdaan dagaalada sokeeyey dadkaas oo u baahan wax u qabada iyo in garab istaago.
Dadka barakacayaasha ah ee ku nool Kaamka Riig ee Garoowe ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 160 qoys oo iyagu ku noolaa Garoowe 14 sanno ee ugu danbeeyey
Source: Halgan.net