• Who We Are
    • Vision & Mission
    • Board of Directors
    • Our Offices
    • Partners
    • Financial Report
    • Audit Report
  • Projects
    • Emergency Response
    • Orphan Care
    • Healthcare
    • Water
    • Youth Employment Initiative
  • Blog
  • Contact
  • Orphan Care
  • Financial Report
  • Water Projects
  • Videos

HARO oo deeq lacageed qaybisay

  • Home
  • Emergency Relief
  • HARO oo deeq lacageed qaybisay
Deeq la gaarsiiyay Qoysas ku jirra Xeryaha Barakacayaasha Magaalada Beledweyn
July 21, 2011
HARO oo Deeq Dhar ah ka bixisey Ceelasha Biyaha.
July 21, 2011
Published by harousa2020 on July 21, 2011
Categories
  • Emergency Relief
  • Togdheer Region
Tags

Ururka Samafalka ee Humanitarian African Relief organization marka magaciisa lasoo gaabiyana loo yaqaano HARO oo kamida ururada soomaaliyeed ee mutadawiciinta ah ee kajira cariga maraykanka ayaa deeq lacageed soo gaadhsiiyay dad danyar ah oo kunool magaalada buuhoodle.

Deeqdan lacagta ah oo uu ururka HARO usoo mariyay dadkan danyarta ah Sh, C/rashiid Xaaji Samatar oo kamida culimada deegaanka buuhoodle ayaa waxaa maanta lagaadhsiiyay dadkii loogu talo galay, dadkan oo isuugu jiray rag iyo dumarba ayaa waxay ubadnaayeen dad waayeel ah, kuwaasi oo badankoodu duruufo dhaqaale la ildarnaa.


 

 Dadkan danyarta ah ee maanta lasoo gaadhsiiyay deeqdan lacagta ah oo aan waraystay ayaa dhamaantoodba waxay aad ugu mahadnaqeen Ururka HARO, iyagoo aad ugu duceeyay masuliyiinta ururkan ilaahayna uga baryay inuu wax ka khayr badan ugu buuxiyo meeshii ay kazoo saareen lacagtaasi.

 Deeqdan lacageed ee uu ururka HARO uu soo gaadhsiiyay dadkan danyarta ah ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili mudooyinkii ugu danbeeyay ay xiisado colaadeed ka taagnaayeen Deegaanka Buuhoodle, xiisadahaasi oo ay ku bara kaceen dad farabadan oo danyar ah.

 Iskusoo wada duuboo deeqdan lacageed ee uu ururka HARO soo gaadhsiiyay dadkan danyarta ah ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee lasoo gaadhsiiyo dadka danyarta ah ee kunool deegaanka buuhoodle tan iyo intii ay kazoo cusboonaadeen xiisadaha colaadeed deegaankan, iyadoo aanay dadkaasi wax gargaar bini aadanimo ah dhanaba ka helin.

Share
0
harousa2020
harousa2020

Related posts

March 22, 2021

Hay’ada Haro Oo Deeq Biyo Dhaamis Ah Ka Fulisay Deeganka Dacarta Ee Gobolka M/Jeex


Read more
March 22, 2021

HARO TRANSFER ORPHANAGE HOME TO ILMA


Read more
December 11, 2020

Cyclone Gati Inter- Agency Needs Assessment Report in Bari Region


Read more

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Humanitarian African Relief Organization (Haro) is a nonprofit organization located in the United States. We are dedicated to providing urgent humanitarian relief and long-term solutions to systemic problems throughout the Horn of Africa.

Location

3355 Hiawatha Ave
Suite# 205
Minneapolis, MN 55406

© 2026 HARO. All Rights Reserved.